U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka iyo Somaliland Oo Ku Wada Hadlaya Turkiga

Sheeko:Dalka

Wada hadalladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa maanta dib uga furmaya dalka  Turkiga,  halkaasoo ay uga qeyb galayaan dhinacyo kala matalaya Dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.

Dawladdaha  Turkiga, Imaaraadka Carabta, Kuwayt iyo Masar  ayaa ka mid ah dowladaha wada hadallada hormuudka ka ah,

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wada hadallada xoogga lagu saari doono arrimaha ka dhaxeeyay labada dhinac, dhibaatada ka jirta dowladda federaalka iyo xitaa maamulka Somaliland.

Somaliland iyo Dowladda Federaalka ayaa waday wada hadallo soo jiifataamayey muddo dheer, waxaana lagu qabtay waddamo ay ka mid yihiin Djabuti, Imaaraadka, Turkiga iyo Meelo kale.

Wada hadalladaas iyo wixii ka soo baxo, La soco Goobjoog News

Goobjoog News