U bood dhigaalka

5 Askari Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Tixsiile ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in khasaare kala duwan uu ka dhashay qarax Miino oo maanta halkaasi lagula eegtay ciidamo  ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Gaari ay la socdeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana kusoo wajahnaa dhanka degmada Afgooye ayaa la sheegay in Miinadan ay ku qaraxday.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintey 5 askari oo kamid ahaa askartii gaarigaasi saarneyd iyadoo tiro intaasi ku dhowna dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray.

Maamulka degmada Afgooye oo aynu xiriir la sameynay si aan wax badan uga ogaanno khasaaraha guud ee halkaasi ka dhashay ayaa sheegay iney saacado kadib faah faahin ka siin doonaan saxaafadda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi Miino ee ka dhacay deegaanka Tixsiile ee gobolka Shabellaha Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News