U bood dhigaalka

5 Faa’ido oo Laga Helayo Cunista Looska

  1. Looska waxaa laga helayaa Vitamin E, waxaa uu daawo u yahay Finanka Wajiga ka soo baxo, Finanka Maqaarka, cunista Looska waxaa uu jirka ka helayaa Vitamin E oo ku roon arimaha aan soo sheegnay.
  2. Looska waxaa uu ka hortagaa Duqnimada iyo Wahsiga:

Waxaa la ogaaday in Looska uu ka hortago Gabowga iyo wahsiga, waxaa uu baa’biyaa Miinta ama laablaabka Indhaha hoostooda ah, waxaa kaloo la sheegayaa in saliidda Looska ay daawo u tahay Miinta jirta ama in ay dib u dhigto soo bixistooda, Jirka waxaa uu helayaa midab qurxoon.

  1. Cunista Looska waxaa uu u roon yahay Qalbiga:

Dadka qalbi xanuunka qaba, waxaa u roon in ay cunaan Looska, Looska waxaa uu ka hortagaa in jirka galo Dufinta, waxaana laga helaa Vitamin E sida aan sheegnay, isaga ayaana mas’uul ka ah in jirka laga dhuuqo dufinta iyo in jirka helo dhiig fiican.

Looska waxaa uu yareetaa Korostorol-ka jirka sidaa darteed waxaa uu faa’ido badan u yahay Qalbiga iyo caafimaadkiisa iyo qaadayaasha dhiigga.

  1. Looska waxaa uu soo celiyaa Xusuusta iyo Awoodda Jirka:

Haddii aad xusuus yar tahay, waxaa daawo kuu ah Looska, Cuntada ku jirta Looska waxaa uu daawo u yahay dadka xusuustooda yar tahay.

Dhinaca kale, Looska waxaa uu xoojiyaa awoodda jirka, waxaa kaloo lagu taliyaa in dadka ay cunaan looska subaxdii si ay u helaan awood xagga jirka ah iyo in ay hor umar gaarsiiyaan shaqada.

  1. Dufinta Jirka oo laga taqaluso:

Sida la xaqiijiyay in Looska macdanta ku jirta ay faa’ido u leeyahay in dadka ka celiso cunista waxyaabaha sokorta ku badxn tahay, waxaa kaloo ay hoos u dhigtaa oo ay ka taqalustaa Dufinka iyo cadiinta.