U bood dhigaalka

5 Qodob Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Doorashada Turkiga

Sheeko:Dalka

Cod-bixiyeyaasha dalka Turkiga ayaa saaka oo axad ah u dareeray goobaha cod-bixinta si ay u doortaan golaha shacabka iyo madaxweynaha jamhuuriyadda.

Dadka codkooda dhiibanaya waxaa lagu qiyaasay 56,322, 632, halka sanaadiiqda codka lagu shubayo ay gaarayaan 180,64 sanduuq.

5 Arrin Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Doorashada Turkiga:

1. Nidaam Madaxweyne: Dalka waxaa uu nidaamkiisa maamul u wareegayaa gebi ahaanba mid awoodda ay gacanta ugu jiro madaxweynaha kadib markii sidaas lagu ogolaaday afti-dadweyne oo dhacday April 2017.

2. Xulufeysi: In kasta oo doorashada lagu galayo nidaamka xulufeysiga waxaa ka qeyb galaya 10 xisbi, 2bada xulufo ee ugu muhiimsan waa (1) Shacabka oo ay ku jiraan xisbiga xuriyadda iyo horumarinta, dhaq-dhaqaada Qowmiga ah iyo midnimada weyn (2) Isbaheysiga umadda waa ku jira: Shacabka Jamhuuriga, xisbiga iyi, Sacaada iyo Dimoqoraadiga. Waxaa kale oo jira 3 xisbi oo kale sida: dalka, Huda iyo Shucuubta Dimoqoraadiga ah.

3. Baarlamaanka: Axsaabta yar yar waxaa ay kuraas ku yeelan-doonaan baarlamaanka haddii uu ku guuleysto isbaheysiga ay ku jiraan wax ka badan 10% codadka guud ee doorashada.

4. Tartanka Madaxtinnimada: Madaxtinnimada dalkaasi Turkiga waxaa ku tartamaya 6 murashax oo kala ah: Recep Tayyip Erdoğan oo ah murshaxa isbaheysiga shacabka, Muxaram Ince oo ah xisbiga shacabka jamhuuriga ah, Meral Aksener oo ah xisbiga iyi, Selahattin Dimitas oo ka socda xisbiga shucuubka Dimoqoraadiga ah, Tamel Karamollaglu oo ah xisbiga Farxadda iyo Dogu Princek isna matalaya xisbiga dalka.

5. Nidaamka 2bada Wareeg: Qofka doorashada ku soo baxaya waa inuu helaa 50%+1 oo ah codadka guud ee la dhiibto, haddii taasi dhici-weyso waxaa la aadayaa wareegga 2aad.

Goobjoog News