U bood dhigaalka

5   Qodob Oo Laga Dheehan Karo Khudbaddii Madaxweyne “Farmaajo”… Xasillooyin Darro Siyaasadeed Ayaa Kow Ka Ah!

Sheeko:War

Khudbaddii Sabtida uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furintaanka kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay xambaarsaneyd farriimo fara badan oo ay ugu hurreyso doorasho qof iyo cod ah oo inta badan khudbaddu ay ku saleysneyd, iyadoo aan ognahay in doorasho qof iyo cod ah aaney xilli dhow dalkani diyaar u ahayn isla markaana aaney suurtaggal ahayn. Iyadoo weliba aan ognahay in Covid-19 aan lagu dhawaaqin in laga adkaaday oo gabi ahaanba uu dalka ka maran yahay.

Hadaba, markii aan khudbadda dhageystay oo aan dhuuxay waxaa iiga soo baxay Shan qodob oo aan is leeyahay cid kasta oo fahmeysa biyaha dhaca khudabadda madaxweynaha iney fahmayaan saameynta taban ee ka dhalan karta khudbadda.

  1. Doorasho aan suurtaggal ahayn oo dalka lagu khasbayo

Madaxweynaha waxa uu sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka hirgelinayaan muddo 50-sano ah kadib. Laakiin waxaa is weydiin leh siday ku suurtaggaleysa iyadoo caqabadahan faraha badani ay taagan yihiin, waqtiguna uu aad u kooban yahay. Waxaa lagama maarmaan ah in guddiga doorashooyinka la ballaariyo oo shaqaale farabadan loo qaro. Wacyigelintii shacabka oo waqtigeeda iyo fahamsiinteeda u baahan oo ay xilligan ahayd iney gaba gabo marayso, ololihii xisbiyada oo xilligan gobollada dalka oo dhan ka bilowda. Xisbigii xukuumadda oo aan weli dhisneyn, iyadoo bilo yar un ay doorashada ka harsan yihiin. In la yiraahdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo qof iyo cod ah wey fududahay; laakiin fulinteedu waxay u baahan tahay 4 sano oo hadda kadib ah. Halkii uu xaalku joogay 4 sano ka hor ayey weli mareyso marka laga reebo sharciga doorashooyinka oo la ansixiyay. Si kasta iyo dhan walba oo aad ka eegto suurtaggal maaha in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka xilligan aan joogno.

  1. Xasillooni darro siyaasadeed

Madaxweynaha khudbadiisa waxa uu ku faanay in dalka xasillooni siyaasadeed uu u horseeday, isagoo soo hadal qaaday in isaga iyo Ra’iisul-wasaarah isla dhammeysteen, baarlamaankii mooshinnadii tirada badneyd laga yareeyay. Laakiin sida hadda muuqata madaxweynuhu waxa uu ka shaqeynayaa xasilloonni darro siyaasadeed, marna ma aanuu soo hadal qaadin “Saamileyda Siyaasadda” oo muhiim u ah geedi socodka nabadda dalkan. Madaxweynuhu waxa uu illowsan yahay in marka uu waqtigiisu dhammaado bilo kadib, doorasho cod iyo qof ahna ay dalka ka dalka ka suurtageli weydoin isaga iyo baarlamaankuba ay sharcidarro soo dhex istaagayaan, sidaa darted; ma fursaneyso inuu la tashado Saamileyda Siyaasadeed. Haddii kale waxaa loo diyaar garoobayaa xasilloonni darro siyaasadeed maadama la isla wada og yahay in aan madaxweynaha loo ogolaan doonin inuu maalin ku darsado muda xileedkiisa oo ah shayga kaliya ee uu xasaannada ku leeyahay, madaxweynana uu ku yahay.

  1. Madaxweynah iyo Ra’iisul-wasaarihiisa oo ku kala duwan doorashada

29 May, 2020, ayaa Ra’iisul-wasaare Kheyrre, waxa uu ka hadlay muhiimadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin, waxa uu farta ku fiiqay inaanuu waxba ka qabin in saamileyda siyaasadda ay isku yimaaddaan, doorasho kasta oo lagu heshiiyo dalkan ay ka qabsoonto, laakiin aan waqtigeeda dhaafin. Hadal u muuqday mid maangal ah oo wax garadka siyaasddu ay aadu u soo dhaweeyeen. Laakiin waxaa muuqata in madaxweyne Farmaajo habkaa si ka duwan uu wax u arko oo uu ku dhaggan yahay doorasho qof iyo cod ah oo dalka xilligan sinaba aan uga suurtaggaleyn.

  1. Madaxweynuhu tashi ma rabo go’aankiisa mooyaane

Madaxweynuhu waxa uu soo qaatay heshiisyo hore oo wadar ogol lagu ahaa oo ku saabsanaa in dalkan doorasho qof iyo cod ah ay ka qabsoonto oo shirkii Baybadho uu ku jiray. Laakiin madaxweynuhu ma aanuu tilmaamin in xilligaa ay dalka ka suurtaggal ahayd doorasho qof iyo cod ah, shirkaasi waxa uu ku beegnaa May 14, 2018. Laakiin xilligan haddii la isku yimaado taladu tii hore way ka duwanan lahayd. Laakiin sida muuqata madaxweynuhu diyaar uma aha inuu cidna la tashado, doorasho nooca uu rabo iyo riyadiisa ah mooyaane.

Madaxaweynah waxaa niyaddiisa ku jirta muddo kororsi aan dhanna loo dhaafeyn. Haddii sida uu rabo ay u meel marto oo ay noqoto in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ugu yaraan waxaa loo baahan doonaa 2 sano oo kordhin ah, marka la eego howlaha ay dooraashadaasi u baahan tahay oo baaxadeeda leh. Waxaa dhici doonta iney baarlamaanku fariistaan oo ay naftooda iyo tan madaxweynahaba ay u sameeyay muddo kordhin ay duruuf lagu marmarsiyoodo.

  1. Hal qodob oo uu ka baqayo madaxweynaha oo welwel ku haya.

Madaxweynah khudabaddiisii waxa uu kusoo qaatay in dhalinyarada uu ku booranayo inaaney noqon xaabadii dabka lagu shidanayay ee ‘Ma liibaanayaasha lagu liibaaney’ ay u baxday, waxa uu ka (cabsanayaa) in mudaharaadkii lagu soo dhaweeyay mid la mid ah lagu sagootiyo. Waa caqabadda kaliya ee uu u arko iney hor istaagi karto damaciisa ah muddo kororsiga.

Si kastaba, waxaa laga maarmaan ah in madaxweynaha uu kusoo laabto dowga saxda ah ee maangalka ah dalkanna aanuu u horseedin xasilloonni darro siyaasadeed oo aan la mahdin doonin ciribteeda. Madaxweynaha kaligii dalkan uma caqli badna, waa inuu dhageysto talada aqoon yahaynka iyo siyaasiyiin.  Waa inuu tixgleiyo talooyinka  hey’adaha caalamiga ah ee uu ka mid yahay ururka ka hortagga xasaradaha oo sheegay in dalka aaney ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah loona baahan yahay in habkii 2016 dib loogu noqdo; Sida dalkan looga badbaadiyo dhibaato hor leh inuu lugta la galo.

W/Q: Khadar Xuseen Maxamed.

Goobjoog News