U bood dhigaalka

5 Qof Ku Dhimatay Qarax Ka Dhaxay National Theatre, Hanti Ayaa….

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay bar kontarool oo ku taallay ka soo horjeedka Theater-ka qaranka(National Theatre).

Qof wade ka ahaa gaari caasi ah ayaa la sheegayaa in uu isku qarxiyay goobta, taasi oo ay ka dhasheen khasaare naf iyo maalba leh, dadka dhintay waxaa ku jiray askar goobta ilaalo ka aheyd iyo shacabka.

Khantida goobta ku burburtay waxaa ka mid ahaa gawaarida sida Bajaajta iyo gawaari kale oo goobta marayey.

Qaraxan waxaa uu dhacayaa saacado kadib markii lagu dhawaaqay xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Khayre.

Goobjoog News