U bood dhigaalka

5 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Baydhabo

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka Shuban biyoodka ayaa ka dilaacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo deegaannada kale ee ku dhow magaaladaasi.

Isbitaalka guud ee magaalada Baydhaba waxaa la dhigey 97 ruux oo uu soo ritey cudurka Shuban Biyoodka, waxaana dhintey 5 kamid ah dadkaasi, sida uu Goobjoog News u sheegay Dr C/fitaax Ibraahim Xaashi oo ah Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo.

Agaasimaha ayaa sheegay in Isbitaalka uu xaalad dedeg ah ku jiro, islamrkaana dadka xanuunsanaya qaarkood aysan u heli karayn dawo, maadaama Isbitaalka dawo uusan haysan.

โ€œCudurka Shuban biyoodka ayaa soo ritey dad badan, waxaa isbitaalka la keenay 97 qof, 5 kamid ah waa ay dhinteen, waxaa Isbitaalka ka jirta dawo laโ€™aan, hadda waxaan dadka u isticmaalnay wixii keydka ahaaโ€ ayuu yiri Dr C/fitaax.

Ugu dambeyn agaasimaha Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka in Isbitaalka ay lasoo gaaraan dawooyin degdeg ah oo dadka wax loogu qabto.

Goobjoog News