U bood dhigaalka

5 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Deegaanka Saddex Xigle ee gobolka Mudug ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka, kaasi oo Carruur ay u dhinteen sidoo kalena ay haatan la il daran yihiin dad badan.

5 qof oo 4 kamid ah ay yihiin Carruur ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ugu geeriyoodey deegaankaasi cudurka shubanka, iyadoo aanu jirin xarun caafimaad oo deegaankaasi ka jira.

Maxamed Jaamac, waa guddoomiyaha deegaanka Saddex Xiglo isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in cudurkaan ay haatan la jiifaan dad badan oo qaarkood loo soo qaadey magaalada Gaalkacyo.

“Deegaanka waxaa ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka, 5 qof ayaa u dhimatey,  kuwo kalena waa ay la il daran yihiin, cudurkaan waa uu nagu soo noqnoqdey, annagane tabar uma hayno, abaarta jirta iyo biyaha aan nadiifka ahayn ayaan u maleyneynaa in sabab u tahay arrintaasi” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha deegaanka Saddex Xiglo ayaa ugu Dambeyn ugu baaqey hay’adaha caafimaadka, dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug in gurmad degdeg ah oo dhanka dawada ah la gaaraan dadka ku nool deegaankaasi.

Goobjoog News