U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Dhaawacantay Qarax Bam Oo Ka Dhacay Isgoyska Fagax Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna sugnaa Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho ayaa lagu tuuray Bam gacmeed sababay khasaare dhaawac u badan.

Inta la xaqiijiyey waxaa Bamkaasi ku dhaawacantay 5 qof oo ay ku jiraan shacab halkaasi marayey.

Ciidamo  kale oo dowladda ah ayaa gaaray halka qaraxan Bamka ah uu ka dhacay, waxaana ay wadaan howlgallo ay ku raadinayaan ciddii Bamka ku tuurtay askarta.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in xaaladda ay tahay weli mid kacsan, waxaana halka qaraxa ka dhacay loo diidan yahay iney dadka iyo gaadiidka maraan.

Isgoyska Fagax ayaa kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada nabad sugidda oo amniga halkaasi xaqiijiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News