U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Geeriyootay Duqeyn Ay Ciidanka Kenya Ka Wadaan Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inay soconayaan duqeymo ciidanka Kenya ay ka geysanayaan degaanka Dhamase oo hoostaga magaalada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Madaafiic ayaa laga soo tuurayaa fariisimo ay ciidanka Kenya deggan yihiin waxaana degaannada ay ku dhacayaan kamid ah Dhamase, halkaas oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la og yahay waxaa dhintay Shan qof halka Siddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymahani oo xalay bilowday, sida uu Goobjoog News u sheegay mid ka mid ah dadka ku sugan halka duqeynta ka socoto.

Dowladda Kenya ayaa had iyo jeer madaafiic ku garaacday dhulka buuralayda iyo kuwa fog fog ee baadiyaha ee gobolka Gedo halkaas oo ay sheegaan inay ku dhuumaalaysanayaan Xarakada Al-shabaab hase yeeshee duqeymahani waxaa ay waxyeello kala duwan kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News