U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Xuduudda Gobolka Mudug La Wadaago Itoobiya

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa ku geeriyootey halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen kadib dagaal ka dhacay xuduudda gobolka Mudug uu la wadaago Itoobiya.

Dagaalkani ayaa ku dhexmaray tuulo lagu magacaabo Dundun ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo malleeshiyaad la sheegay inay ka soo jeedaan Puntland.

Wariye madaxbannaan oo jooga Puntland ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in dadkii dhaawacmay loo qaaday dhanka magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkani ayaa lagu soo warramayaa inuu daba socdo khilaaf ka taagan ka talinta xuduudda labada dal ay wadaagaan, waxaana shalay halkaasi gaaray Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Abgaalow kaas oo halkaas ka taagay calanka maamulka Puntland.

Shaqaaqadani weli kama aynaan hadlin ismaamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale