U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Geeriyootey Shil Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa lage helayaa shil gaari oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda gubta.

Gaari nooca raaxada ah oo ka yimid dhanka xaafadda Daru-salam ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ku fariin goostay dhallinyaro Kubad ku ciyaareysay meel kaabiga ku haysa laamiga ka yimaadda xaafadda Daaru-salaam, halkaasi oo khasaaraha ugu badan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobta ku geeriyootay 5 qof oo uu ku jiro darawalkii wadey gaariga, iyadoo ay ku dhaawacmeen 6 kale sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dadka qaarkood ee ku dhaawacmay shilkan waxaa lasoo sheegayaa in ay xaaladooda caafimaad aad u daran tahay.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir weli kama aanu hadal shilkan, hase ahaatee shilalka sidan oo kale ah ayaa kusoo noqnoqonaya magaalada Muqdisho.

Goobjoog News