U bood dhigaalka

5 Qof Oo Lagu La’ Yahay Xeebaha Boosaaso

Sheeko:Dalka

Doonidani waday shixnado ganacsi ayaa ku degtay xeebaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari taasoo ka soo shiraacatay dalka Cummaan.

Doonidani oo la dhihi jirey Alkhaadiri ayaa wadatay lacag Hindiya halkaas ayaana laga lahaa sida ay sheegayaan faahfaahinta dheeraadka ah ee soo baxaysa.

Wakiilka shirkadda ay doonidani u rarnayd Mustafa Shanle ayaa u sheegay Goobjoog News in la soo badbaadiyay 7 qof oo la socday doonida kuwaasoo 6 kamid ah ay yihiin Hindi halka han kale uu ahaa Soomaali.

Dadkani oo la dhigay Isbitaalka dhexe ee Boosaaso ayaa Mustaf Shanle uu sheegay in badda lagu la’ yahay shan qof oo kale oo uu jiro kabtankii dooni waday.

“Walaal dooni shalay subax afar saac ayay ku soo dhowaatay xeebaha Boosaaso oo roobka markii uu dayay, dabeylo jirey oo dib u riixay ayaa sababay in doonidu qalibmanto, haddana wasaaradda dekadaha ayaa u howlgalay waxaa lagu maqan yahay dadka lagu la’ yahay waxyaabaha saarnaa waxaa kamid ah 180.000 oo baasto ah iyo 10.000 oo bur ah” ayuu yiri Mustafa Shanle.

Dhanka kale, mid kamid ah dadkii Soomaalida ee doonta saarnaa oo Goobjoog News la hadashay ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen.

“Markii ugu horreysay doonida iyagoo caadi u socota ayay gaari banjaray oo kale ayay degatay oo badda ku dhex degatay, hadda waan yara fiicanahay inteenna jooga isbitaalka, dhammaan shaqaalihii ayaa xirtay agabka badbaadada badda hase yeeshee sidii aan ka cabsannaynay oo ahayd in doonida quusto ayaa dhacday” ayuu yiri ninkaas.

Doonidani u rarnayd ganacstada gobolka Bari qaarkood ayaa waday shixnado ganacsi oo aad badan kuwaasoo u badan yihiin raashin iyo bagaash.

Goobjoog News