U bood dhigaalka

5 Qof Oo Lala Xiriirinayo Al-shabaab Ayaa La Xiray

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 5 qof oo dhalinyaro ah ayaa la xiray arbacadii kadib markii lagu eedeeyay in ay doonayeen ku biirista xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya.

Raggan waxaa xiray ciidamada loo yaqaano Anti-Terrorism Police Unit (ATPU) ee dalka Kenya, waxaana la sheegay oo kale oo kooxda la qabtay ay da’dooda ka hooseyso 20 jir, kana soo jeedaan Tulluroba iyo Chechelesi.

George Natembeya oo ah County Commissioner ayaa sheegay in dadkan laga kala qabtay labo meel oo kala duwan, 3 waxaa laga qabtay wadada Isiolo-Garba Tula halka 2 kale laga qabtay Bute oo ka tirsan Wajir

Saraakiil u hadashay Kenya waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab oo ka faa’ideysanaya bisha Barakeysan ee Ramadan ay caruur iyo dadka nugul oo da’ yar u badan isla markaana cusub isku dayaan in ay helaan, taas oo Nairobi ay sheegtay in ay ka feejigan tahay.

Goobjoog News