U bood dhigaalka

5 Qof Soomaali Ah Oo Lagu Gowracay Itoobiya

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya Tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deegaannada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Shan qof oo Soomaali ah, walibana ay Gowraceen Oromada.

Nabadoon Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in raggan ay soo weerareen rag hubeysan oo Oromo ah, sidaasina ku qabteen, kadibna ku Gowraceen.

“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro” ayuu yiri Nabadoonka.

Dadka Soomaalida ah ayaa isaga soo barakacay deegaannada ay ku xooggan yihiin Oromada, dagaalladuna waa mid aan joogsi lahayn.

Goobjoog News