U bood dhigaalka

5 Ruux Oo Cudurka Jadeecada Ugu Geeriyootay Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

 

Ugu yaraan 5 carruur ah ayaa xanuunka jadeecada ugu geeriyootay deegaanno kala duwan oo hoos yimaada degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Labo kamid ah carruurtaasi ayaa ahaa walaalo, waxaana xanuunkaan uu ku haleelay deegaanka Ceelka, iyadoo halkaasi ay kusoo barakaceen 250 qoys oo abaarta kasoo barakacay.

Deegaankaan iyo kuwo kale oo gobolka Sool ku yaalla waxaa ka jirta cudurka jadeecada oo ay la xanuunsan yahay carruur badan, iyadoo xanuunkan uu jiro Labadii Todobaad ee ugu dambeysay, waxaana uu soo ritey 45 ruux oo 35 kamid ah yihiin Carruur.

Jaamac Ismaaciil Warsame, waxa uu kamid yahay dadka halkaasi u gurmaday, kadib markii carruur ay qaraabo ahaayeen laga soo deeriyey xaaladooda caafimaad.

Waxa uu sheegay Jaamac in Afar carruur ah oo abtigii dhalay laga soo deyriyey xaaladooda caafimaad, sidaasi darteedna ay halkaasi ugu gurmadeen.

“Meeshu waan tagnay, ilmo yar oo Sagaal bilood jira iyo mid 5 sano iyo Bar jira ayaa kamid ahaa kuwa aan meesha ugu gurmannay, waan soo qaadnay, magaalada Laascaanood ayaan keennay, laakiinse Labadoodiiba waa ay dhinteen, kuwo kalena waa ay xanuunsanayaan hadda oo waxay u baahan yihiin gurmad, waxaa aaggaasi ka taagan xaalad caafimaad darro oo 90% saameysay ciyaalkii iyo dumarkii” ayuu yiri Jaamac.

Howlwadeennada caafimaadka ee gurmadka u sameynaya deegaannada lagu soo barakacay ee gobolka Sool ayaa soo sheegaya in daweynta dadka ay ka horreyso iney helaan raashiin, maadaama qof baahan aan lasiin Karin dawo.

Goobjoog News