U bood dhigaalka

5 Sabab Oo Lagu Dooran Karo Ilhaan Cumar

Sheeko:Dalka

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliya Mareykan ah ayaa qarka u saaran inay maanta noqoto gabadhii 2aad ee Muslim ah oo ka mid noqota congress-ka Mareykanka iyo qofkii ugu horeeyey ee ka soo-jeeda Soomaali ah oo xilkaas loo doorto.

Waa Kuma Ilhaan: Ilhaan waa hooyo, sharci-dejiye, qaxooti ah, oo deyn lagu lahaa marka ay jaamacadda ka qalin jabisay, waxaa ay Mareykanka gashay iyada oo 12 jir ah.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, 5 Sabab Oo Lagu Dooran Karo?

1. Canshuuraha:  In la badalo canshuur dhaafka 2017-ka gaar ahaan dakhliga qofka, shirkadaha iyo canshuurha gobolka.

2. Deynta: Ma taageeri-doono in la taabto ceyrta bulsho, daryeelka caafimaad, waxaan boorinayaa in maalgeshi lagu ameeyo waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale.

3. Arrimaha Socdaalka: Waxaan meesha ka saari-doonaa ICE, tarxiilka, dadka oo la iska heysto, darbiga xuduuda lama dhisaayo, bad-baadinta nabad-geliyo doonka iyo in aan ka hortago in la mamnuuco hijrada.

4. Daryeel Caafimaad: Waxaan ku dadaali-doonaa in la awoodo, tayo leedahay, dadka oo dhan inay caafimaad helaan, oo ay ku jiraan caafimaadka ilkaha, indhaha iyo daryeel caafimaad oo muddo dheer ah

5. Hubka:  Waxaan doonayaa in la mamnuuco hubka lagu dagaalo, waxaan kale oo maalgelin u raadin-doonaa daaweynta dhimirka.

Goobjoog News