U bood dhigaalka

Seychelles : 5 Soomaali Ah Oo Lagu Helay Dambiyo Burcada Badeednimo

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee Jasiiradda Seychelles ayaa 5 Soomaali ah ku xukuntay min 12 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira Burcad Badeednimo.

Xukunkan uu gaaray garyaqaan  Gustave Dodin waxaa uu sheegay in raggan dambiyadii lagu soo eedeeyay intooda badan lagu helay.

Eedeynta waxaa ka mid ahaa in ay weerareen Dooni isla markaana ay afduubteen dadkii saarnaa, iyagoo sidoo kale geystay weeraro kale intii u dhaxeysay  January 1 ilaa January 18, 2014.

5 nin ee Soomaalida ah waxaa Jasiiradda la geeyay  January 30, 2014, waxaa qabtay markii hore Maraakiibta dagaalka ee faransiiska kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowgya Yurub ee Badda Soomaaliya.

Faransiiska ayaa ku weejiyay Seychelles iyadoo la eegayo heshiis dhexmaray Jasiiraddaas iyo Midowga Yurub December 2009 kaas oo la xiriira Burcad Badeedda.

Lixdii sano ee la soo dhaafay,  Jasiiradda waxaa lagu Maxkamadeeyay Burcad Badan, kaas oo ka dhigeysa dalka ugu badan gobolka ee Burcad Badeedda lagu Maxkamadeeyo.

5-tan Soomaalida ah ayaa lagu wadaa in loo soo gudbiyo dalkooda hooyo ee Soomaaliya si ay halkaas ugu dhameystaan xukunka Maxkamadda.

Goobjoog News