U bood dhigaalka

5-ta Dowladood ee Ugu Internet-ka Wanaagsan Adduunka

Sheeko:Dalka

Xilli 5G ay tahay modelka ugu casrisan dunida isgaarsiinta ayaa hadana adduunka waxay weli ku sii jeedaan oo ay isha ku haysaa shabakadaha jiilka 4aad ee loo yaqaanno 4G LTE.
Website-ka “Opensignal” ee Mareykanka kasoo baxa ayaa soo bandhigay shabakadaha 4G sida ay uga shaqeyso meelo badan oo adduunka ka tirsan, iyo dhexdhexaadka xawaaraha Internetak adduunka dowaladuhu sida ay ugu kala sarreeyaan.
Kuuriyada-koonfureed iyo Japan ayaa hoggaaminaya shabakadda jiilka 4aad ee 4G adduunka oo dhan, halka dowladda Mareykanku ay kaalinta 5aad kasoo gashay, liiska dowladaha ugu badan ee adeegga 4G ay muwaadiniintoodu helaan.
Heerka faafsanaanta 4G & sida ay dadku u heli karaan:
Koonfur Kuuriya 97.49%
Japan 94.70%
Norway 92.16%
Hong Kong 90.34%
United States 90.32%
Xawaaraha Internet-ka 4G dowladaha ugu fiican adduunka:
Singapore:  44.31 Mb/ilbiriqsigii
Holland: 42.12 Mb/Ilbiriqsigii
Norway: 41.20 Mb/Ilbiriqsigii
Koonfur-Kuuriya: 40.44 Mb/Ilbiriqsigii
Hungary: 39.18 Mb/Ilbiriqsigii