U bood dhigaalka

Fikrad: 50 Jirka Soomaaliga Ah Ee Maanta Jooga

Sheeko:War

Baaritaano dheer kuna aadan xogta 50 jirta Soomaaliga ah,  ayaan warbixitaan ku soo bandhigi donaa, aniga oo ka fiirin doona saameynta xun iyo saameynta wanaagsan ee uu leeyahay,

Xogtaan ayaa ah baaritaan aan kusameyey dhamaan wax qabadka iyo taariiqda uu yeelan karo qofka da’daas jira, duruufaha uu wadanku hada ku jiro iyo nolosha uu ku jiro 50 jirka soomaaliga ah.

Inta la ogyahay ama muuqata dadka Soomaalida waxaa ugu badan tiro ahaan dadka ka yar  da’da 35 sano jirka  rag iyo dumarba, dhanka kale waxaa la tilmama in 75%  bulshada Soomaalidu tahay dhalinyaro.

50 jir ka soomaaliga ah- dhalasho

Rag iyo dumarba  intaba waa qof dhashay taariiq ahan xili nidaamka iyo dowlad nimada Soomaaliya ay ehed sharaf iyo wadaag waxeyna ku aadaney dhalashadoodu 1966-kii xiligaas wadanka waxaa madaxeyne ka ahaan AUN madaxweyne cabdirashid cali sharmake, wadankana waxa ka jirtay nadab iyo ammaano.

1991-kii xiligaas oo uu 25 jisaday, 50 jirka maanta ah, waxaa Soomaaliya soo wajahay burbur xoogan oo sabab u noqday dowlad la’aanta, dalkuna waxa uu faraha la galay dagaal iyo colaado sokeeya oo ay xoog u ahaayen dhalinyaradii maalintaas.

50 jir ka soomaaliga ah- hiilin

Wadankeena Soomaaliya 1991-kii waxuu hiilo iyo garab  uga baahnaa dhalinyaradiisa nasiib xumo waxey u horseeden boob, dagaal, iyo colaad dabadheer oo wali aan laga bogsoon,  xiligaas dalka waxaa dhalinyaro u ahaa 50 jirka maanta waxeyna jireen 25 sano , cakuye shalay, wadankow cafwan,

50 jir ka soomaaliga ah- dhaqaalo

Guud ahaan Soomaalida heerkasta oo ay ka joogan dhaqaalo ahaan caasimada gobol iyo tuulo meelkasta oo ay ku nolyihiin waxaa maanka gacanta ku yahaya dhaqaalaha ugu badan dalka heerkastaba waa 50 jirka maanta, marka la eego gobolada colaaduhu ragaadiyen mudadii 22 sano ehed waxey ka yihiin maalqabeeno, waxeyna heystaan ama gacanta ku hayaan inta badan dhaqaalaha deeganadaas.

Lacagtaan ayaa sida muuqata badan koodu ka abuureen abaaraha, dagaalada, colaadaha, qaxa,  iyo musuqmaasuqa, waxeyna ku abuuren waqti aad u gaaban marka la is barbar dhigo lacagta qabteen iyo waqtiga ay ku qaadatay.

50 jir ka soomaaliga ah-shalay

Dadka da,daan leh ayaa horay u soo heleen waqtiyo badan oo ay wadanka wax uga badalin karaan laakin dhammaantood ama intooda badan waxay door bideen in ay wadanka  furtaan , mana jirto isku dayo lahayo oo ah  olole dhalinyaro wadeen laguna samata bixinayo wadanka  mudadii uu kujiray dagaalka iyo furashada sokeeye 1991-2004,

Wallow dhalinyaradii maalintaas ay wadanka u horseden wada madow , Waxa ayna  qabadkoodii ku bixiyeen iyo waqtigoodi inta badan .

  1.   Bililiqo wadan
  2.   Qixinta iyo barakicinta dadka
  3.   Dagaal huriye
  4.   Askari beeled ama qabqable
  5.   Dilka maatida
  6.   Dhaca dadka
  7.   Boobka hanti dowladed
  8.   Boobka hantida masaakiinta
  9.   Cunida lacag ribo ah
  10.  Beec tuugo ah
  11.  Raashin iyo daawo dhacay
  12.  Daqtar been ah
  13.  Isbaaro joog

50 jir ka soomaaliga ah-maanta

Mudo kadib wadanka Soomaaliya waxa uu helay dowlad rasmi ah waxaana soo hayagaya nadaamka iyo siyaasada wadanka, waana hubaal hadii uusan helin dhalinyaro u hiiliya inuusan siijirin nidaamka curdunka ah ee maanta,

Waxey heystaan ama ku jiraan nolol ka duwan muwaadinka wadanka, waxa ay ku raaxeystaan hantidii dhibanayasha iyo lacagtii ay ka abuureen burburkii wadanka.

Maanta ayey markale soobaraarugen waxa ayna badaleen hadalkoodi  ku saleynaa colaada iyo caga jugleynta waxa ayna sooqaten shaati cusub oo ay uga mid noqon rabaan nidaamka dowladnimada wadanka, una hanqal taagaya inay in ay ku imaadan wajiyo cusub sida,

ü  Xiliban aqalka hoose

ü  Xilibam aqalka sare

ü  Safiiro

ü  Agaasimayal

ü  Wasiiro

ü  Saraakil ciidan ( qoriyii horana daduu ku laayey )

Sida muuqata wadanka leh dowlada curdunka ah waxuu u baana yahay hiilo iyo garab istaag waxuuna uga baahan yahay 25 jirta maanintaas , dhalinyarooooow hadii aadan maanta wadanka garabsiin walaahi waa laaban waxuuna galin waji culus oo siyaasaded kana daraan kii shalay.

Sual??

Imisa jirbaa tahay , wadankaan maxaa  ugu hiilisay ?

Dhalinyara Manta Kuwii Shalay Ka Aqoon Iyo Dhaqaalo Badan Laakiin Ka Cabsi Badan. 

Waxaa qoray:  Cabdikhadir Xaaji Xusien

Goobjoog News, waxaa ay soo dhaweyneysaa fikradaha akhristayaasha, kala soo xiriir: [email protected]