U bood dhigaalka

50 Muhaajiriin Ah Oo Soomaali Ku Jiraan Oo Qasab Loogu Maasheeyay Badda Yemen

Sheeko:Dalka

Illaa 50 qof oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa la sheegayaa in qasab loogu maasheeyay badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen, badda tirada lagu daadiyay waa 120 qof, sidaa waxaa qortay hey’adda Organization for Migration (IOM).

Qaar ka mid ah dadka ka bad-baaday shilka ayaa sheegaya in dadkaasi qasab loogu daadiyay badda, iyada oo laga cabsi qabo ilaalada xeebaha, doomihii dadkaasi daadiyay waxaa ay soo aadeen Soomaaliya si dad kale u qaadaan, ayey intaasi raaciyeen.

IOM waxaa ay heleen meydka 29 qof, waxaa laga helay dadkaasi xeebaha gobolka Shabwa, in ka badan 22 muhaajiriin ah ayaa la la’yahay.

Hey’adda IOM waxaa ay sidoo kale sheegtay in illaa 55,000 muhaajiriin ah ay sanadkan u tillaabeen dalka Yemen, in ka badan  30,000 oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay ka yar yihiin da’da 18ka sano

Goobjoog News