U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ku qaabilay u qaabilsanaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca Carruurta iyo isku dhacyada dagaallada hubaysan haweeneyda lagu magcaabao Leila Serrougui iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso.

Waftigaan ayaa waxaa ka mid ahaa ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter Declercq iyo Madaxa hay’adda Unicef  ee Somalia Steven Lauwerier iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobey.

Masuuliyiintaan ayaa Puntland u yimid sidii ay wax uga ogaan lahaayeen heerka ay marayso ilaalinta xuquuqul Insaanka ee Puntland, waxaana ay ku ammaaneen Puntland sida ay ula dhaqantay carruurtii yaryarayd ee lagu soo qabtay dagaalladii u dhexeeyey Puntland iyo Al-shabaab.

Masuuliyiintaan ayaa sheegay in Puntland ay heer wanaagsan ka joogto dhinaca ilaalinta xuquuqul Insaanka islamarkaana waxa ay ballan qaadeen in ay sii xoojinayaan mashiircda horumarineed ee la xiriira dhinaca adeegyada Garsoorka, waxbarashada carruuta iyo Jeelasha ee ay fuliyaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay weftigaani in ay soo booqdaan Puntland si’ay si dhow wax uga ogaadaan heerka ilaalinta xuquuqul Insaanka ee Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in ay dawladdiisu diyaar u tahay sii xoojinta ilaalinta xuquuqul aadanaha, gaar ahaan xannaanaynta carruurta lagu soo qabto goobaha dagaalka.

Waftigaan ayaa booqan doona xabsiga weyn ee Puntland ee magaaalada Garoowe waxayna kulamo la qaadan doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha diinta oo iyadu gacanta ku haysa xabsiyada Puntland.

G3 G2 G1

—DHAMMAAD—

Mawduucyada:Gobollada