U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Oo Si Kulul Ugu Jawaabey Raila Odinga

Sheeko:Dalka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Xassan ayaa jawaab culus ka bixiyay haddalo uu sheegay ra’isul wasaarihii hore Kenya Raila Odinga.
Raila oo ka hadlayey Chatham House, London ayaa sheegay in loo baahan yahay in la aqoonsado Somaliland oo sida uu sheegay meel fiican oo arrinkeeda maraayo.

Jamaal ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aad u xun, arrinta ku saabsan madaxbaaninida iyo midnimada Soomaaliyana ay tahay mid muqadas ah.
Raila Odinga oo ah madaxa xisbiga mucaarad ugu weyn, 2007-dii ayey aheyd markii ugu dhawaa in uu noqdo madaxweyne laakin waxaa ka adkaaday Kibaki, wada hadallo dheer kadib waxaa loo ogolaaday in uu noqdo ra’isul wasaarihii 2aad ee dalkaasi uu yeesho.
Hadalkan Odinga waxaa uu niyad jab ku yahay taageerayaal badan oo la dhacsaneed xisbigiisa ODM.

Somaliland 1991-dii ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale balse weli ma helin aqoonsi caalami ah.

Goobjoog News