U bood dhigaalka

55 Kiis Oo Cudurka Daacuunka Ah Oo Laga Helay Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 55 kiis oo cusub oo cudurka daacuun caloolaha ah kaddib baaritaan ay sameysay laanta baarta cudurrada faafa intii u dhaxeysay 13 illaa 19 bishii May sannadkaan 2019.

Ma jirin kiisas daacuun ah oo la soo wariyey usbuucyadii 1 iyo 7 aad ee laanta baaritaanku hawlgalka wadday sababo la xiriira xiritaanka xaruntii ugu weyneyd ee lagu daaweyn jiray daacuunka taasoo warbixnta laga soo uruuriyey.

Tirada sii kordheysa ee kiisaska la tuhunsan yahay ee daacuunka tan iyo billawgii bishii December ee sannadkii 2017 waa 7290.

Intii lagu guda jiray warbixinta laga soo billaabo bishii Febraayo illaa 19 May 2019 dhammaan kiisaskaan waxaa laga soo wariyey 16 degmo oo ku yaalla gobolka Banaadir. Dadka kiisaska lagu arkay waxaa ka mid ah carruur da’doodu ka hooseyso 5 sano.

Daacuunka ayaa laga xakameeyey degmooyinka maamullada Jubaland, Hishabeelle iyo Koofur Galbeed kaddib markii meelahaas laga fuliyey durriinka daacuunka ee afka laga qaato (OCV)

Waxaa wali jira meelo laga soo sheegayo cudurka oo ku yaalla gobolka Banaadir sida Dharkeynley, Deyniile, Hodan, Madiina, Hawlwadaag, Xamarjajab, Xamarweyne, Boondheere, Kaxda, Waaberi iyo Warta nabadda.

Tan iyo billawgii sannadkan 2019, 153 astaamood oo cudurka muujinaya ayaa la helay laguna baaray Sheybaarka Caafimaadka ee Qaranka ee magaalada Muqdisho. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa sii wada baaritaanno dheeri ah islamarkaana looga jawaabayo dhammaan meelaha cudurku uu ka jiro.

CGTN.