U bood dhigaalka

58 Qof Oo Ku Dhimatay Weerar Loo Adeegsaday Hubka Chemicalka Ah oo Ka Dhacay Syria

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan waxaa ku dhimatay 58 qof  halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale weerar la aamisanyahay in loo adeegsaday hubka Chemicalka ah kaasi oo lagu weeraray magaalada Idlib ee waqooyi galbeed ee waddanka Syria.

Diyaaradaha dowladda Ruushka iyo kuwa Syria ayaa duqeyntaan si wada jira u fuliyay taasi oo keentay inay dhintaan dad badan oo shacab ah.

Dowladda France ayaa baaq deg deg ah u dirtay golaha ammaanka ee qaramada midoobay si looga hadlo weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha Ruushka ay ku qaadeen waddanka Syria,iyagoo adeegsaday hubka Chemicalka ah.

Dhinaca kale  wasaaradda gaashaadhigga dowladda Ruushka war ay soo saartay waxay ku beenisay in waddanka Syria gaar ahaan xaafadaha u dhow magaalada Idlib aysan weerar ka geesan diyaaradaha dagaalka Ruushka oo istcimaalayo hubka gaaska ah.

Dowladda Syria ayaa horay iskaga fogaysay inay isticamaasho hubka Chemicalka ah, iyadoo kaashanayso Dowladda Ruushka balse baaritaan ay sameysay ururka la dagaalanka hubka Chemicalka ah ee raacsan qaramada midoobay ayaa horay waxay Syria  ugu eedeysay  inay saddex weerar ay u adeegsatay hubka Chemicalka ah.

Goobjoog News