U bood dhigaalka

 59 Ruux oo Ku Geeriyootay Weerar ka Dhacay Dalka Pakistan

Sheeko:Caalamka

Waxaa geeriyooday 59 qof halka  117 qof oo kale uu soo gaaray dhaawacyo khatar ah, ka dib markii rag hubaysan ay soo galeen goob akademiyad ah oo booliska lagu tababaro magaalada Quetta ee koonfur-galbeed dalka Pakistan.

Mas’uul u hadlay xukuumadda Pakistan ayaa sheegay in ku dhawaad 200 oo arday ay goobta weerarku ka dhacay ku sugnaayeen habeenimadii Isniinta oo weerarku uu xilliyadii dambe dhacay, waxa uu socday muddo 5 saacadood ah oo xiriir ah.

Cidina wali may sheegan mas’uuliyadda weerarkan , lamana oga ulajeedada laga lahaa, laakiin Gen. Sher Ofjon oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay iney dhageysteen teleefanno ay ku wadahadlayaan kooxdii weeraraka geysatay oo u ekayd kooxda “Lashkar-e-Jhangvi ee xagjir ah ay ka dambeyso.

Kooxdan ayaa asal ahaan ka soo jeedda gobolka Punjab, waxayna horey ugu lug lahaayeen weerarro kooxeed ka dhacay gobolka Balochistan, iyadoo aaney wali caddayn ulajeedka weeraka ka dambeysay.

Goobjoog News