U bood dhigaalka

6 Askari Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa dagaal ku dhexmaray inta u dhaxeysa deegaannada Xawaadley iyo Raqeyle ee Shabellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa dhacay abaare 11-kii fiidnimo ee xalay, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Wariyaasheenna Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay soo sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhinteen 6 qof iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidankaan kala wateen ayaa la sheegay in lagu dhuftey qoriga baasuukaha loo yaqaan, halkaasina ay ka dhalatay khasaare badan.

Dhaawacyada askartaasi qaarkood waxaa la geeyey isbitaalka degmada Jowhar oo lagu dabiibayo, iyadoo weli arrintaasi aanu ka hadal maamulka gobolka Shabellaha Dhexe.

Illaa iyo haatan lama oga sababta ka dambeysay in ay wada dagaallamaan ciidamadan ka wada tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News