U bood dhigaalka

6 Burcad Badeed Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Seychelles

Sheeko:Dalka

Sida uu sheegay mas’uul u hadlay xabsi ku yaallo Seychelles, waxaa khamiistii halkaasi lagu xiray 6 ka mid ah burcad badeedda Soomaalida kuwaas oo lagu helay falal burcadnimada ah oo ay ka fuliyeen xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.

Eedeysanayaashan lixda ayaa waxaa la geeyay magaaladda dekadda ah ee Victoria,  oo ka tirsan archipelago oo ku taalo Badweynta Hindiya, sidaasi waxaa sheegay Raymond St Ange, oo ah sii haya guddoomiyaha xabsiga  Montagne Posee.

Lixdan Soomaalida ah waxaa soo qabtay ciidamada badda ee Talyaaniga oo isticmaalyey helicopter, waa howlgal ay ciidamada reer Yurub ku ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya, waxaana la qabtay iyaga oo weerar ku ah 2 markab Nov.17 iyo Nov.18.
Jasiiradda Seychelles waxaa ku xiran burcad badeed badan oo Soomaali ah, markii ugu dambeysay ee wax lagu xiro waxaa uu ahaa 2014.

Goobjoog News