U bood dhigaalka

6 Carruur Ah Iyo Ayeeyadood Oo Lagu Gubay Hoy Ay Ka Deganaayeen Gobolka Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Xasan Cumar Macallin oo ah guddoomiyaha magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in habeenkii xalay ahaa hoygooda lagu gubay 6 carruur agoon ah iyo sidoo kale ayeeyadood.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadkani ay deganaayeen halka lagu magacaabo Jeebey oo beeraley ah kana tirsan magaalada Marka, isaga oo xusay in gurigii ay ku jireen la dul saaray Bal, islamarkaana dab la qabadsiiyey.

Aano qabiil oo maalmahan ka jirta magaalada Marka ayuu sheegay Guddoomiyaha in falkani ay la xiriirto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waayahan arrin aan lagu aqoon Soomaalida ayaa billowday sida guryo la gubo iyo wax la mid ah, xalay waxaa dhacday meel la yiraahdo Jeebey oo Marka ka tirsan hoy ay deganaayeen 6 carruur ah iyo ayeeyadood ayaa la saaray Bal, kadibna lagu gubay dhammaantoodna waa ay geeriyoodeen, waxaana qiyaaseynaa in arrintan ka dambeeyaan dadka qaab qabiilka isku dagaallaya” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha magaalada Marka ayaa sheegay in maamulkiisa aanu waxba ka qaban karin falalka sidaan oo kale ah ee kusoo noqnoqday magaaladaasi.

Dhinaca kale mid ka mid ah ehlada dadkan la dilay oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa magacyada Carruurta iyo ayeeyadood ku sheegay sidan:-

Ayeeyo: Khadiija Maxamed Somow, 80 jir ah.

Nuur Cabdi Ismaan danow (ina Colneyl uguji) oo Seddax Sano jir ah

Farxiya c/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Naciima  C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Axmed c/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Mulki  C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Muzamil C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Goobjoog News