U bood dhigaalka

6 Qodob oo Lagu Durayo Sharci Ahaanta Xeer Nidaamiye Ku Saabsan Ajuurooyinka Maxkamadaha

Sheeko:Amniga

Sii hayaha Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa September 2, 2020 waxa uu soo saaray Xeer Nidaamiye ku saabsan ajuurooyinka maxkamadaha kaas oo sumaddiisu tahay (Xeer Lr.0217092020), laguna nidaaminaya Ajuurooyinka iyo Cashuurta laga qaadi doono adeegyada ay Maxkamaduhu qabtaan. Arrintan ayaa waxaa ay dhilisay iney dhaliilo keenaan qareenno iyo mihnadleyaasha arrintan ka shaqeeya.

Marka laga soo tago in maxkamadda sare qofka uu gal dacwadeed madani ah ku furanayo $200, dib u eegista $300, rukhsad qareen marka 1-aad $500, gal furis dawcad doorasho $1,000, gal furis dacwad dastuur $1,000 ama waxaa kale oo la sheegayaa tusaale ahaan in canshuurta laga qaadayo 5% ay tahay furashada gal dacwadeed madani ah, tusaale haddii dhul la isku heysto, waxaa canshuur u bixineysaa 5% qiimaha hantida, si gal dacwadeed loo furo, oo ay sii dheer tahay wakaalad qareen iyo arrimo kale.

Goobjoog News, waxaa ay akhristeyaasheeda la wadaageysaa qaar ka mid ah qodobbada ay ku doodayaan qareennada iyo mihnadleyaasha.

Masoo Marin Baarlamaanka: Qodobbada ay qareennada ku doodayaan waa  in Xeer Nidaamiye Wasiir uu soo saaray aysan Muwaadinka ku waajibin karin bixin canshuur aanu jideynin sharci ay soo ansixiyeen labadii aqal ee Baarlamaanku, sidoo kalena dhamaysanin dhamaan habraaci sharci ku dhaqan geli jiray, iyadoo ay jirto in xeer nidaamiyaha wasiirku uu soo rogay cashuuro aan lahayn saldhig sharci, sidoo kalena aysan sheeginin xeerarkii ka horeeyay.

Soo-saarista Xeerka: Qodobka kale ee doodad waa in cidda keliya ee xeer nidaamiye ajuuro maxkamadeed soo saari kartaa ay tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda kadib marka uu dhegaysto ra’yiga iyo soo jeedinta Xoghayaha Wasaaradda Garsoorka iyo Diinta. Mana jirto qodob sharci oo awood u siinaya Wasiir Maaliyadeed in uu soo saaro xeer nidaamiye ajuuro maxkamadeed.

Duridda Sharciyadda Wasiirka Maaliyadda: wasiirka hadda jooga waa sii haye wasiir, xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, shaqadiisuna waa xil gaadhsiin, Dastuurka ku meel gaadhka ahna waxa uu ku leeyahay qodobkiisa 103aad: “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah”, sidaa awgeed wasiir xil gaadhsiin ah waxa uu socodsiiya shaqadii hore u socotay oo keliya ee awood umalahan in uu unko xeer nidaamiyayaal iyo shaqooyin hor leh.

Qabashada lacagta: Qodobka 2aad ee Xeer Lr.109 waxa uu awood u siinaya qabashada iyo aruurinta Ajuurada maxkamadaha Kaaliyaha Maxkamadda, halka Xeer Nidaamiyahani uu awooddaas ka xayuubiyay oo qodobkiisa 2aad uu ku sheegay in Ajuuradaha Maxkamadaha ay aruurinayaan Shaqaalaha/Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan Maxkamadaha.

Meesha Lagu shubayo: Xeer Nidaamiyahani waxa uu ku xusan qodobkiisa 3aad in qoondada dakhliga aan canshuuraha ahayn lagu shubayo Ajuurada Maxkamadaha, waxaana is maandhaaf ah in isla xeer nidaamiyahani laftigiisu lacagaha uu waajibinayo qeyb ka mida uu ku magacaabayo in ay yihiin canshuuro, qeybta kalena ay tahay khidmad

Dhaqangalka: Qodobka 5aad ee Xeer Nidaamiyahani waxa uu xusayaa in uu dhaqangalayo marka uu wasiirku saxiixo, taas oo ah mid baal marsan Qodobka 6aad ee Sharciga Maamulka Dakhliga Xeer Lr.13 ee soo baxay 27/10/2019, oo isla Xeer Nidaamiyahani gundhig ka dhigtay arartiisa hore, iyadoo faqradda 3aad ee qodobka 6aad ay leedahay: “ Xeer Nidaamiyayaasha waa in lagu soo saara Faafinta Rasmiga ah, waxa ayna dhaqan gelayaan taariikhda la faafiyo”.

Sooyaalka Sharci ee Ajuurooyinka Maxkamadaha:

Dalku waxa uu yeeshay dhawr xeer oo nidaaminayay Ajuurooyinka Maxkamaduhu ka qaadi doonan dadweynaha ay u adeegayaan waxaana ka mida xeerarkaas:

  1. Xeerka Cashuuraha Tigidhada “Sharci Lr.6 ee soo baxay 07/12/1966”, kaas oo qeyb kamida ay ku saabsanayd bixinta iyo aruurinta Ajuurooyinka Maxkamadaha (Xeerkan waxaa baabi’iyay xeerka hoos ku xusan).
  2. Xeerka Ajuurada Maxkamadaha “Xeer Lr.109 ee soo baxay 14/11/1975, kaas oo ka kooban 6 Qodob iyo laba warqadood oo lifaaq ah (Xeerkan wax ka bedel ayaa lagu sameeyay, laakinse weli waa dhaqan gal).
  3. Xeerka Wax Ka Bedelka Ujuuradaha Maxkamadaha Madaniga “Xeer Madaxweyne Lr.37 soona baxay 16/05/1981” kaas oo ka kooban 3 qodob oo keliya (Xeerkani waxa uu wax ka bedelay lifaaqa xeerka sare ku xusay, welina waa dhaqangal).

Goobjoog News