U bood dhigaalka

6 Tallaabo oo XF Soomaaliya Looga Fadhiyo Iney Qaado Kadib Musiibada Qaraxii Soobe ee 14 October

Sheeko:War

Waxaa maanta laga joogaa 11-cisho dhacdadii xanuunka badneyn ee 14 October ee ay ku halligmeen dadka tirada badan ee la gaarsiinayo ku dhawaad 800 oo qof oo dhimasho iyo dhaawac ah,  qaarkood aan la hayn raq iyo ruux toona oo dadkii ay ka maqanaayeen aaney weli harsan, iyagoo ka baadigoobaya dadkoodii halkii uu qaraxu ka dhacay iyo goobaha isbtiillada ee dadka kala duwan la geeyay.

Waxaan ognahay in cid kastaaba ay gurmadka ka qeybgashay wixii ay qaban kartayna ay dhinaceeda ka dadaashay, laakiin waxaa la gaaray xilligii la xisaabtami lahaa oo dambigaa dhacay mas’uuliyaddiisa cidi qaadan lahayd kuwii geystayna lagu ciqaabi lahaa.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadaa mas’uul ka ah amniga shacabka iyo ilaalinta xasilloonida dalka,  sidaa darteed waxaa looga fadhiyaa tallaabooyinkeedii hoggaamineed iney qaadato oo ay ugu horreeyayn kuwan aan halka hoose kusoo koobay:

1 .Mas’uuliyadda Hagaldaaca Amni Waa’in Cidi Qaadato

September 27, 2017. magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay wiil ay dhashay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac iyo xoghayihii ururkaasi ee Canab C/llaahi Xaashi. Xukuumaddu tallaabo dadbadan farxad gelisay ayay ka qaadday waxayna xilalkii ka xayuubisay mas’uuliyiintii ammaanka u xilsaarnaa iyadoo la qabqabtay lana xiran ciidamadii lagu eedaynayay iney hagaldaaca amniga ka qeyb ahaayeen.

Sidaa oo kale, waxaa loo baahan yahay in tanna laga qaado tallaabo la mid ah oo tii hore kasii culus oo mas’uuliyiin ay xilkooda ku waayaan.

2 .In Saxmadda Waddooyinka Xal Loo Helo

Qaraxii 14 October waxaa dhibaatooyinka sii adkeeyay saxmadda wadada ka jirtay oo keentay in dadbadan ay dhibaato soo gaarto.

Richard H. Thaler oo sanadkan 2017 ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize-ka dhaqaalaha ayaa adduunka kusoo kordhinayay aragtiyo durbaba ay si weyn u dhaqangeliyeen xukuumadaha adduunka oo dhanka siyaasadda looga faa’ideystay. Caalimkan ayaa sheegay in loo baahan yahay in fursado la abuuro, bedelkii amaaro bulshda la kordhigi lahaa, waxaa fikradihiisa ka mid ahayd in ganaaxa logu bedelo fursado, waxa uu tilmaamay qashinka waddooyinka lasoo dhigo intii dadka lagu ganaaxi lahaa taa bedelkeeda in dadka loo sameeyo goobo farabadan oo ay qashinka ku shubaan isla markaana laga qaado hadhow.

Sidaa darteed,  aragtida caalimkan hadda waxaa naga khuseeyaa waa in si saameynta qaraxyada loo kobo, waddooyinka saxmadda laga yareeyo oo ay gaadiidku helaan waddooyin ay si fudud ku mari karaan oo aan saxmad  lahayn iyo in la furo waddooyinka xiran ee markii hore dadku gaadiidka ku kala faafijiray. Haddii kale saameynta qaraxyada ee ballaaran way sii soconeysaa oo ma istaageyso.

3 .In dadweynaha Warbixin la siiyo

Sida ay hadda wax u socdaan waxay u muuqataa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sameysatay khad cagaaran oo difaaciisu adagyahay , kadib markii goobo farabadan oo baaritaan laga sameeyay hareera xaafadaha ay u badan yihiin madaxda, xarumaha xukuumaduna ay ku yaallaan.

Shacabka oo markii hore la dhibaatoonayay adeeg la’aanta dowladda iyo culeyska waddooyinka xiran ayaa u muuqda kuwo aan lahayn cid difaacda, hay’adaha ammaankuna aaney xilkii looga baahnaa aaney iska saareyn. Sidaa darteed waxaa dadku sugayaan faahfaahinta sidii ay wax u dheceen iyo halka galdaloolku ka jiray ee qaraxaasi kasoo galay.

4 . In La Mideeyo Dadaallada Gurmadka Loo Fidinayo Dadkii Ku waxyeeloobay Qaraxa

Qaraxa dabadii waxaa gurmad laga sameeyay si filiqsan oo aan haybeysneyn dhammaan daafaha kala duwan ee adduunka iyo meel kasta oo ay Soomaali dagto, waxaa loo baahan yahay dadaalkaa in la mideeyo si loogu gurmado dhaawaca iyo dadkii agoonta ahaa ee ay ka tageen dadkii u shaqeynayay, maada dadkii  ku waxyeelloobay qaraxani ay u badnaayeen xooggii shaqada hayay, waxay ka tageen dadkaasi caruur iyo dad kale oo ay gacanta ku hayeen.

Mideynta dadaallada gurmadku waxa uu muhiim u yahay in si cadaalad ah ay dadku ugu sinnaadaan gurmadka oo qof walbaa ciddii uu yaqaannay un aanuu wax la doonan.

5 .Niyad Dhiska Dhalinyarada

Waxaa muhiim ah in la abaabulo dadaallo ballaaran oo wacyigelineed oo lagu soo celinayo rajada dhalinyarada maadama dadkii ugu badnaa ee qaraxa niyad-jabka ka qaaday ay ahaayeen. Qaraxii dhawaan waxa ugu badan ee ay indhahayga aan si gaar ah ugu hayay ayaa ahaa xaaladda nafsiyan ay ku sugan yihiin dhalinyarada oo u muuqday kuwo aad u niyad jabsan. Waxaa jiray xoogaa rajo ah oo dhalinyarada baryihii dambe soo galeysay oo ay isla lahayeen malaha maanta ayaa idin ku dhow oo nabad aad hesheen, inbadan oo sidaa aaminsaneyd ayaa niyaddii ka dhaawacmay, waxay u baahan yihiin dib u kabasho iyo in idaacadaha muqdisho laga bilaabo wacyigelinno dib u kacabsho ah oo ay soo diyaariyeen khibaro ku takhsusta arrintaas.

6 .In Shacabka loo sharaxo tabaallooyinka ka hortagga ah

Xukumadda federaalka Soomaaliya mas’uuliyadda saran waa in muwaadinka uu walwalka dhanka amniga ah ay ka haqab tirto, sidaa darteed waxaa looga fadhiyaa in shacabka loo shararraxo tallaabooyinka ka hortagga ah ee qaraxyadan lagu abaarayo, si walwalka uga yaraado shacabka.

Si kastaba, mucaarad ma ahi muxaafadna sidoo kale, waxaan ahay qof shacabka ah oo doonaya in dalkiisu uu horey u socdo, dadkiisuna ay helaan nabadda ay heystaan dalalka kale ee adduunka.

Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah iney jiraan tallaabooyin farabadan oo muhiim ah oo loo baahan yahay in ay xukuumadda federaalka ay qaaddo, waxa hadda loo baahan yahay waa waxqabad iyo in loosoo jeesto isla xisaabtan, wax halkan ina dhigay waa isla xisaabtan la’aan iyo mas’uuliyad ka carar.

W/ Q: Khadar Xuseen Maxamed

[email protected]