U bood dhigaalka

6-Tallaabood Oo Kuu Suurtagelinaya Inaad Asxaabtaada Ku Wargeliso Number-kaaga Cusub Ee WhatsApp

In badan oo ka tirsan dadka WhatsApp-ka isticmaala ayaa dhibaato ku qaba marka ay number cusub qaataan oo ay doonaan iney sii wataan xiriirka saaxiibadoodii hore, maxaa yeelay; waxaa ku adkaata iney sidii caadiga ahayd ula xiriiraan saaxiibadoodii hore.

Laakiin cusbooneysiintii ugu dambeysay ee adeegga ayaa lagu soo kordhiyay badhanka “Change number” oo kuu suurtaggalinaya inaad si sahlan number-kaaga ku bedelato adigoon aan iska lumin saaxiibadaadii hore ama dad gaar ah oo kaliya ku casuumaya number-kaaga cusub.

Sida uu qoray website-ka “gadgets 360” ee arrimaha teknoolajiyadda ka hadla, waa kuwan tallaabooyinka ay tahay inaad qaaddo si aad u bedelato numberkaaga WhatsApp adigoon iska lumin asxaabtiisii hore,si sahlanna u ogeysiin kara cidda aad rabto numberkaaga cusub.

Tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aad number-kaaga WhatsApp u bedesho:

  1. Waa inaad hesho cusbooneysiintii ugu dambeysay ee adeegga WhatsApp 2.18.97, dadka isticmaala Android, laakiin dadka isticmaala iOS ee iPhone iyo Windows xilli dhow ayay cusbooneysiinta soo gaari doontaa, taas oo ka dhigan inaaney adeegga cusub weli heli karin.
  2. Booqo “WhatApp Settings” kadib ka dooro Account
  3. Waxaa kuu soo muuqanaya badhan cusub oo ah “Change number”.
  4. Waxaad doorataa “Next” oo aad ka heli doonto xagasha midig ee sare.
  5. Geli number-kaagii hore iyo kan cusub ee aad dooneyso inaad ku bedesho.
  6. Dooro dadka aad dooneyso inaad la wadaagto number-gaaga cusub.

Halkaa waxaad leedahay ikhtiyaarka aad doonto, xaasiibadaa oo dhan ayaad la wadaagi kartaa number-kaaga cusub ama cid gaar ah ayaa ku casuumi kartaa.

Goobjoog News