U bood dhigaalka

31 Xildhibaan Oo 8 Haween Yihiin Oo Lagu Doortay Hirshabeelle

Sheeko:Dalka

Doorashada aqalka hoose waxaa ay maanta ka dhcay Jowhar oo magaalo madax u ah maamulka Hirshabeelle, 5 Xildhibaan oo ay ku jiraan Cabdulahi Godax iyo Mina Xaaji Shib ayaa la doortay, waxaa kaloo ay ka socotaa magaalada Baydhabo oo xarun ah Koofur Galbeed.

Liiska Xildhibaannada Maanta Guuleystay Hirshabeelle:

  • Farxiyo Maxamud Dhaqane
  • Mina Xasan Shibis
  • Dahabo Suusow Maxamud
  • Maxamed Cumar Ceymow
  • Cabdulahi Godax Barre

Ilaa iyo hadda 31 Xildhibaan ayaa lagu doortay magaalada Jowhar, 8 ka mid ah waa haween, 5 kursi ayaa haray taas oo laga soo gababeyn doono Sabtida iyo Axadda sida ay Goobjoog News u sheegeen saraakiil goobta shirka ku sugan.

Goobjoog News