U bood dhigaalka

Faaduma Dayib Oo Sheegtay In Ay U Tartamayso Xilka Madaxtinimada, Dalbatayna In La Xalliyo Cabashooyinka Jira (Maqal)

Sheeko:Dalka, War

Faadumo Qaasim Dhayib(Faadumo Deqo) oo ka tirsan murashaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa Goobjoog News siisay wareysi gaar ah iyaddoo meesha ka saartay in ay ka hartay tartanka madaxtinimada Soomaaliya 2016-ka.

Faadumo ayaa sheegtay in dad iyada neceb ay warkaas suuqa soo geliyeen, isla markaana si xun u fasireen wareysiga ay siisay The Washington Post kaas oo ay uga hadashay in laga yaabo in ay ka harto doorashada haddii laga waayo hufnaan.

Dhayib waxaan kala hadalnay in ay caddeyn u hesyo eedeymaha ay ka sheegeyso in ay ka dhaceen doorashada 2016-ka iyo in ay tartameyso xataa haddii arrimahaas wax laga qaban-waayo.

Doorashada 2016-ka, Faadumo Dhayib waxaa ay sheegtay in ay kula talisay isbaheysiga  isbadal-doonka Soomaaliya  in ay ku midoobaan hal murashax si codadkooda ay waxtar u yeeshaan, dalkana ay is badal dhab uga hirgeliyaan.

Faadumo ugu dambeyntii waxaa ay ka jawaabtay su’aalo ku aadan in ay aqoonsan doonto natiijada doorashada haddii laga adkaado iyo doorashada kadib in ay dibadda aadi doonto ama in ay dalka ka shaqeyn doonto.

Wareysigan waxaa qaaday: Tifaftiraha Guud Ee Goobjoog FM: Axmedweli Xuseen Maxamuud isagoo ugu horeyn weydiiyay, Dad badan ayaa u fahmay wareysigii The Washington Post kadib in aad tartanka madaxtinimada ka hartay?

Halka Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhameystiran:

Goobjoog News