U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho Oo Safiirka Mareykanka Kala Hadlay Mashaariic Ku Saabsan Dib U Dhiska Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz.
Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah, Kuwaas oo ay ka mid yihiin mataaneynta magaalooyinka Mareykanka Iyo Muqdisho, Sido kale in Muqdisho ay hesho matalaadeeda siyaasadeed iyo diyaarinta Maqaamkii Caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mundane Yusuf Xuseen Jimcaale iyo maamulkiisa ayaa lagu ammaanay guusha laga gaaray mashruuca ku dhiso dalkaada Hal dollar, taasi oo ah dardaarankii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo uu Guddoomiye Madaale bulshada u sii kala dhig dhigay.
Guddoomiye Madaale  ayaa ka dhawaajiyay in mashruuca ku dhiso dalkaada hal dollar la gaarsiin doono jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool si ay uga qeyb qaataan dib-udhiska magaalada Muqdisho oo ah xaruntii midnamada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn guddoomiye Madaale ayaa Safiirka Mareykanka Uga Mahadceliyey Sida wanaagsan oo ay dowladda Mareykanka uga go’antahay in dalka Soomaaliya dib cagihiisa isugu taago, looguna soo celiyo nabad iyo baraare.

Goobjoog News