U bood dhigaalka

68 Sano Kadib Dhacdadii Ha Noolaato Iyo Dilkii Xaawo Taako

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa 68 sano laga joogaa dhacdadii”Ha Noolaato” ee lagu dilay Soomaali badan oo ay ku jirto Xaawo Taako, waana dhacdo xusuus ku leh Soomaalida, qeybna ka ah dagaalada lala galay gumeysiga.

Sanadkii 1947, SYL  waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magacii Xisbiga ee SYC, waxaa loo bixiyay SYL, waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii oo aheyd Xogheyaha guud ee ururka SYL lagu badalo Cabdullaahi Ciise Maxamud, taasi oo laga aqbalay.

Cabdullahi Ciise xilligaas waxaa uu joogay Magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan, halkaas oo isaga iyo Aden Cabdulle Cusmaan(Cade) ay Leegada ama SYL ka soo galeen.

Isla Sanadkaas Dhamaadkiisii, waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka oo loo yaqanay Four Power Commission” kuwaas oo kala ahaa Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska iyo Ruushka, muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo waxa ay doonayaan dadka Soomaalida ah.

Intaan guddigu imaan, SYL,waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si loogu caddeeyo Mowqifka Leega iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa Maalintaas.

SYL ama Leegada waxaa ay is tuseen in ay haboon tahay in Afarta Quwadood oo wada jira ay maamulaan dalka Soomaaliya.

Waxay SYL diidaneyn Talyaaniga ama Ingiriiska in ay ku kali noqdaan talada ama maamulka aayaha Soomaaliya, waayo labadaba aqoon fiican ayey u lahaayeen.

Guddugii wuxuu yimid Xamar Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa, Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy cududooda muujiyaan.

Ururka Gobanimo doonka SYL, waxaa ay sameeyeen tab iyo Xeelad la  yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side  iyo afar ilaalo ah.

Cali Xasan Maslax Verduda oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan taariikhdan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga maalintaas callamada qeybiyay.

Hanoolaato (Long live Somalia) waxaa ay dhacday 11-kii Janaayo 1948-dii, Naadiga ama Xarunta waxaa joogay dad ilaalo ah, oo waxaa jiray shaki ku saabsan in Gumeystaha ay daqiiqad kasta soo weerari karaan.

Talyaaniga iyo Daba dhilif Soomaali ahaa ayaa soo weeraray naadiga oo ku yiilay agagaarka halka hadda ay ku taalo Taallada.

Gumeystaha Talyaaniga xitaa waxaa uu dhib u gesytay Soomaali aan arintan shaqo ku laheyn, arintaa markii ay dhacday, Ururkii SYL, waa is qeybiyeen, iyagoo go’aansaday Muwaajaha ama weerar weji ka weji ah in ay la galaan Gumeystaha iyo Daba dhilifkiisa.

Dagaal dheer oo halkaas ka dhacay, Leegada waxaa ka Shahiiday 14 Wadaniyiin ah, Waxaa ku jiray Geesiyad aad looga yaqaano Gayiga Soomaalida ee Xaawo Taako , dad kalana waa dhaawacmeen

Gumeystaha Talyaaniga, waxba looma reeban, Soomaalidii waa isku habar wacatay, Talyaanigii iyo kooxihii daba dhilifka ahaa ee uu soo kireystay waxaa lagu hareereeyay Bilaajo Carab, waxaana Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah iyo dhaawaca oo lagu sheegay ilaa 55.

Arrinta la yaabka leh 68 sano kadib, maanta Soomaalida ma helin siyaasad ay u Madaxbanaan tahay, dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad waxaa ay joogaan iyagoo la baxay beesha caalamka, waxaa ay lacag siiyaan dowladda iyo maamullada dalka jira, taas badalkeeda waxaa ay halis ku yihiin qaranimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka.

Gumeystayaasha reer galbeedka weligood kama talin rabitaanka umadda Soomaaliyeed, hor-umar dalalka iyo diinta iskaba daaye, dalal aad arkeyso in aanay dooneyn jiritaanka dalkeena ayaa lagu leeyahay waa walaal ama Saxiib, waxaa uu jahowareer ku dhacay siyaasadda dalka.

Soomaalidii waxaa ka lumay damiirkii wadaniyadda, weli waxaa nahay shacab jaahil ah oo maalin walba waxaaad arkeysaa falal liddi ku ah ilbaxnimada, dadnimada iyo Soomaalinimada, waa maalintii loo baahnaa in dib loo soo celiyo Wadaniyadda iyo xamaasadii gumeysi nacebka“Ha Noolaato”

Cabdicasiis Gurbiye

Goobjoog News