U bood dhigaalka

69 Qof Oo Shuban Biyood Ugu Dhimatay Aw-diinle

Sheeko:Dalka

illaa lixdan iyo sagaal(69)  qof ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay degmada Aw-diinle oo ka tirsan gobolka Bay, waxaa kaloo la sheegayaa ilaa kontan(50) qof oo kale Isbitaallada la dhigay.

Guddoomiyaha degmada Aw-diinle Cabdulahi Maxamed Cumar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadkaasi lix(6) ka mid ah ay shalay dhinteen.

Mr. Cabdilahi waxaa uu hey’adaha gargaarka, guddiyada abaaraha iyo dhammaan shacabka ugu baaqay in gargaar lala soo gaaro dadka dhibaateysan.

Abaaro ba’an ayaa ka jira gobolka, dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta gargaarka dadka, illaa soddon iyo labo(32) Mliyan oo dollar ayey dowladda sheegtay in ay ka soo gaartay beesha caalamka, taas oo qeybinteeda ay socoto.

Goobjoog News