U bood dhigaalka

7 Askari Oo Kenyaan Ah Oo Lagu Dilay Gudaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 7 askari oo Kenyaan ah ayaa la dilay, halka 2 kalana la dhaawacay,ka dib markii ciidamadani lala beegsaday qarax miino xilli ay marayeen Magaalada Dhobley ee u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana sidaasi xaqiijiyey goob joogayaal iyo mas’uuliyiin.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in gaariga ay la kacday Miinada ay saarnaayeen Kolonyo ciidamo ah, kuwaasi oo sameynayey  Roondo, waxaana burburay gaarigii ay saarnaayeen ciidamada.

Ma’uuliyiin ka tirsan ciidamada Millatariga Soomaaliya oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in ay arkeen meydadka 7 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya iyo dhaawaca labo kale,kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxa.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay qeyb ka mid ah baabuurka,arrintaasi oo soo dadjisay dhimashada ciidamada.

Goob joogayaasha  ayaa sheegay in qaraxa miinada uu dhaliyey qasaaro  badan qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa sidoo kale ay waxyeello ka soo gaartay labo baabuur oo kale, isaga oo tilmaamay in tirada dhimashada ay dhaafeyso 10 qof, halka tiro kale oo dad ahna ay soo gaaareen dhaawacyo.

Kolonyada ciidamada Kenaya ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna u socdeen saldhig millatari oo ku yaallo magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay isla goobtaan ka dib markii lala beegsaday qarax miino oo burburiyey gaarigii ay saarnaayeen.

Goobjoog News