U bood dhigaalka

7 Bil Kadib Doorashada, Sababaha Hortaagan In Guddiga Doorashada Dadban 2016 Uu Xilka Iyo Dokomentiyada Ku Wareejiyo Xaliimo Yarey

Sheeko:Dalka

Golaha shacabka ayaa 19-kii April soo saaray sharci ku saabsan buuxinta kursiga ka bannaanaada golaha shacabka Soomaaliya, isla sharcigaas waxaa la faray gudiyada  xilheyntooda ay dhammaatay ee  kala ah: guddiga federaalka hirgelinta doorashada daban 2016 iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada dadban in ay xilkooda iyo dhammaan kaydka dokumentiga doorashada 2016  ku wareejiyaan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaran ee Xaliimo Yarey.

Baaritaan ay sameysay Goobjoog News, waxaan ku ogaannay in 6 bil kadib doorashada, 100 maalmood kadib soo bixitaanka sharcigaas iyo xitaa ansixitiisa golaha shacabka kadib, aaney jirin illaa hadda wax xil wareejin ah oo ka dhex dhacay labada guddi doorasho!!

Sharciga, waxaa kale guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka la faray in ay haddiiba u howlgalaan xilkana kula wareegaan si waafaqsan qodobka 111G ee dastuurka federaalka ah!

Hadaba, Qaraarka todobaadkii hore golaha shacabka ansixiyeen ee ku aadan in guddiga Xaliimo Yarey ee doorashooyinka qaranka ay mas’uul ka noqdaan doorashada buuxinta kursiga bannaanaada ee golaha shacabka Soomaaliya iyo wixii doorasho ah oo dalka ka dhacaya, waxaa ay keeneysaa in la is-weydiiyo:

Maxaa hortaagan in guddigii ka mas’uulka ahaa doorashadii dadbaneed 2016-ka wareejiyaan xilkooda iyo dhammaan kaydka dokumentiga doorashada 2016?!!

Mas’uuliyiinka ka tirsan guddiga doorashada dadban 2016-ka oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in ay hayaan dhammaan dokumentiyadii doorashada 2016, isla markaana diyaar u yihiin xilwareejin balse ay doonayaan dhowr arrin in la xalliyo ka hor inta aaney wax xil iyo dokomenti ah wareejin!

Shuruudda Guddiga Doorashada Dadban 2016 Ee Xil Wareejinta:

Maamuus Helid: Guddiga doorashada dadban 2016 waxaa ay Goobjoog News u sheegeen iney dalka u shaqeeyeen 6 bil, kuna shaqeeyeen weliba xaalad Qatar ah, taas badalkeedana ay sugayaan in loo sameeyo xaflad, abaal marin iyo maamuus horay loogu ballan-qaadey, taas oo aan weli dhicin!

ID+: Guddiga doorashada dadban 2016, waxaa ay sheegayaan in ay xilka wareejin doonaan marka dowladda ay siiso wax ka badan ID-ga ay hadda waddada ku maraan!

Shaqo: Qaar ka tirsan guddiga doorashada dadban waxaa ay sheegayaan iney ka soo tageen shaqo ay hayeen, hadana aaney dib ugu laaban karin sababo la xiriira amni, waxaa ay dowladda ka rabaan shaqo!

Amniga: Waxaa kooxdan heysta walaac xagga ammaanka, taasi badalkeeda waxaa ay dowladda ka sugayaan sida ay sheegeen in ammaankooda meel la saaro!

Shuruudahan waa qeyb ka mid ah sababo ay sheegayaan guddiga doorashada dadban 2016 in ay ku wareejinayaan xilka iyo dokomentiyada doorashada ay mas’uulka ka ahaayeen ee 2016-ka.

Doorasho ahaan, dalka waxaa uu ku jiraa marxalad kala guur ah, maanta sida sharciga ah doorasho kasta oo dhaceysa waxaa mas’uul ka ah guddiga doorashada madaxabannaan ee Xaliimo Yarey halka tix raacii, dokomentiyadii iyo dhammaan qaabkii loo marayey doorashadaas ay gacanta ku hayaan guddiga  aanan shaqeyn, xilka aan wareejin ee guddiga federaalka hirgelinta doorashada daban 2016 iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada dadban.

Hadaba, Yey tahay in ay la hadlaan guddiga doorashada dadban 2016 si ay xilka iyo dokomentiyada u wareejiyaan?  Goorma ayeyse wareejin doonaan xilka iyo dokomentiyada?

Dhacdada labada guddi doorasho iyo xiriir la’aanta ka dhaxeysa waxaa ay ka jirtaa qeybo badan oo ka mid ah laamaha dowladda federaalka ah, taasi oo keeni karta in shaqada socota ay mar walbo dib u dhaco.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,