U bood dhigaalka

7 Kursi Oo Baraawe Lagu Doortay, Yaaku Soo Baxay?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baraawe ee caasimadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta waxaa lagu doortay 7 kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#163 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Isaaq Maxamed Maxamuud, kaas oo 86 cod kaga guulaystay Cabdullaahi Cismaan Ibraahim oo helay 10 cod.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#143 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur, kaas oo 90 cod kaga guulaystay musharrax Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi,kaas  oo 11 cod ka helay codadkii Ergada ay dhiibatay.

3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#256 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan Suhuur Xaaji Culusoow, taas 86 cod kaga guuleysatay musharrax Jiijo Axmed Iikow oo 12 cod ka heshay guud ahaan codadkii ay Ergadu ay dhiibatay.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#148 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan Calwiya Siid Cabdulaahi, taas oo 88 cod kaga guulaysatay musharrax Sacdiya Maxamed Cabdullaahi oo heshay 10 cod.

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#162 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Cismaan Cumar, kaas oo 74 cod  kaga guulaystay musaharrax Maxamed Daliib Xasan, kaas oo helay 17 cod, halka ay halaabeen 4 cod, codadkii guud.

6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#145 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Cabdala Axmed, kaas oo 76 cod kaga guulaystay musharrax Cabdulaahi Ahmed Cabdi isaga oo 12 cod, halka ay halaabeen 2 cod guud ahaan codadka.

7:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#045 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan  Maxamuud Axmed Maxamed, kaas 90 cod kaga guulaystay musharrax Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, halka 3-cod ay  halowday guud ahaan codadka.

Goobjoog News