U bood dhigaalka

7 Qof Oo Lagu Tuhunsan yahay Burcad Badeedda Soomaalida oo Dacwadooda Ka Bilaabaneyso Paris

Sheeko:Dalka

Waxaa Talaadada lagu maxkamadeyn doonaa magaalada Paris ilaa 7 ka tirsan Burcad badeedda Soomaalida kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay afduubteen Markab Faransiiska laga leeyaha.

Markabka ay burcadda afduubteen waxaa saarnaa Christian iyo Evelyne Colombo oo ahaa lamaane u dhashay dalka Faransiiska, burcadda waxaa ay dileen ninka halka ay afduubteen xaaskiisa.

Christian iyo Evelyne Colombo ayaa waxaa ay dhibaatadan ku dhacday Sept. 8, 2011, labadan qof ayaa ka tagay Yemen waxaa ayna ku sii jeedeen Oman.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain ayaa xoog ku soo furtay Haweneyda iyagoo sidoo kale Burcad badeedda ka dilay 2 qof, 7 kalana ka soo qafaashay.

Evelyne Colombo waxaa ay u sheegtay kooxdii soo badbaadisay in ninkeeda meydkiisa ay ku tuureen badda, ilaa iyo hadda meydkaas lama helin.