U bood dhigaalka

7 Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Doorashada Kenya

Sheeko:Dalka

Dalka Kenya waxaa ka socota doorasho guud, waxaa jira arrimo badan oo xiiso badan oo akhristayaasheena ay tahay in ay la socdaan.

Doorashadan waxaa ku tartamaya illaa 15,000 murashax, lixda kursi waa: Madaxtinnimada, Xildhibaanimo, Senator-ka, Governor-ka, member Country assembly iyo Women Rep, waxaa ay sanaadiiqda gaarayaan illaa 14800, guud ahaan dadka codbixiyeyaasha ah waa 19.6 Milyan., 6 subaxnimo illaa 5 ayey doorashada soconeysaa, waxaa natiijada looga dhawaaqaya xarumaha kala duwan ee doorashada.

Madaxnimimada dalkaasi waxaa ku tartamaya illaa 8 murashax, waxaa ugu cad cad Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga, ninka dambe waa markii 4aad oo uu tartanka ka qeybgalayo, waxaa uu sheegay in labo mar looga shubtay.

Murashaxiinta 8dda ah waa: Uhuru Kenyatta, Raila Odinga, Professor Michael Wainaina , Abduba Dida, Ekuru Aukot , Joe Nyaga , Shakhalaga Khwa Jirongo, Japhet Kavinga Kaluyu.

Doorashadan waxaa ku baxeysa $56 Milyan, waa doorashadii ugu qaalisaneed ee Afrika, waa tan labaad ee adduunka, saraakiisha doorashada fulin doona waa 362,000, xarun kasta waxaa jooga 2 askari, guud ahaan waa 81,000 oo sarkaal.

Uhuru Kenyatta waxaa la safan Jubilee iyo william Ruto halka Raila Odinga ay la jiraan rag ay ka mid yihiin K. Mosyoka, Musalia Mudavadi, isack Ruto iyo Moses Wetangula iyo dhammaan isbaheysiga NASA.

Jubilee waxaa ay ku xoog badan tahay gobollada Central, Rift Valley iyo Upper Eastern oo Meru ku jirto halka NASA ku xoog badan tahay Nyanza, Western, Cost iyo meelo kale, waxaa kaloo la sheegayaa in gobolka Soomaalida degto ee North Eastern ay labada qeybsadaan.

Soomaalida gobolka ay degto waxaa tartanka ugu xoogan ka dhacayaa Garisa, waxaa ku tartamaya Ducaale Aden iyo Faarax Macalin,.

Goobjoog News