U bood dhigaalka

War Saxaafadeed: Weriye Hanad Cali Guuleed, Waa La Helay, Waxaa Uuna La Joogaa Qoyskiisa

Sheeko:Dalka

Goobjoog Media Group  ayaa war saxaafadeed ay soo gaarsiisay Goobjoog News uga waran tay xaaladda weriye Hanad Cali Guuleed oo  saaka la helay kadib 24 saac oo uu u afduubnaa koox aan heybtooda la garan.

War Saxaafafeedka waxaa kaloo lagu sheegay in dhakhaatiirta ay qiimeyeen xaaladda Guuleed, iyaga oo sheegay  in caafimaadkiisa uu fiican yahay.

“Weli nooma cadda sababta loo afduubtay, waxaan hey’adaha amniga ka dalbaneynaa in ay sameeyaan baaritaan arrinkaas la xiriira iyo in ay hubiyaan nabad-galyada Hanad iyo dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed” sidaa waxaa lagu qoray qoraalka Goobjoog Media Group

Halkan Ka Akhriso, War Saxaafadeedka:

warkan faafi