U bood dhigaalka

Madaxweynaha Suudaan Iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiyaha Oo Ka Heshiiyay Khatarta Uga Imaaneysa Geeska Afrika

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya  Haile Mariam iyo madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-bashiir oo shalay galinkii dambe kulan wada jira ah ku qaatay magaalada Adis-ababa ee caasimadda waddankaasi Itoobiya ayaa waxa ay ka wada hadleen in labada waddan ay iska kaashan doonaan dhowaan dhinacyada ay ku jiraan ammaanka arrimaha dibadda.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen inay muhiim tahay in si cadaalad ay ku dheehantahay looga  faa’ideysto biyaha wabiga Niil-ka.

Kulanka inta uu u socday  ayaa madaxweynaha dalka Suudaan Al-bashiir waxa uu sheegay in iskaashiga ay la yeelanayaan Itoobiya uu noqon doono mid ku salaysan dhinacyada walbo,isagoo ku raacay hadal uu sheegay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo ahaa in Suudaan iyo Itoobiya iskaashigooda ku saabsan dhinacyada Siyaasadda, Milatariga, Ganacsiga iyo arrimaha bulshada aanu xad laheyn.

Madaxweynaha Suudaan ayaa  booqasho ku tagay Itoobiya taasi uu qaadan doonto saddex maalin, Bashiir waxa uu sheegay in amniga Itoobiya uu si toosa u saameynaayo amniga Suudaan, isagoo tilmaamay in labada dal ay horay u galeen heshiisyo kuwaas oo qaar ka mid ah aan la fulin kuwa kalana ay sugayaan maalgalin sida in la sameeyo wado qad tareen oo isku xirta Suudaan iyo Itoobiya.

Madaxweyne Bashiir oo sii hadlay ayaa waxa uu sheegay in labada dal ay dhisi doonaan xarun ganacsi oo xor ah.

Waxyaabaha ay kawada hadleen labada Mas’uul waxaa ka mid ahaa arimaha biyo xireenka,amniga iyo macluusha ka jirta geeska Africa iyo in si cadaalad ah loo qaybsado loogana faai’deyso ilaha biyaha ah.

Goobjoog News