U bood dhigaalka

Shacab Ku Waxyeeloobay Dagaal Dowladda iyo Al-shabaab Ku Dhex Maray Sh. Hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Lambar 50 ee Shabellaha Hoose.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen duleedka deegankaasi, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ah oo halkaasi ku sugnaa.

Ugu yaraan Labo ruux ayaa dagaalkaasi ku geeriyootey, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, waxaana dagaalka inta uu socday la maqlayey madaafiicda hoobiyaha oo Al-shabaab kusoo tuureen deegaankaasi.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Lambar 50 ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka waxyeellada soo gaartay ay ku jiraan dad shacab ah.

Dhinacyadii dagaallamay weli wax war ah ma aanay soo saarin, hase ahaatee Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojisay weerarada ay ku qaadayaan deegaanka Lambar 50.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeen kale

Goobjoog News