U bood dhigaalka

75 haween ah oo tababar dhanka ganacsiga looga furay Muqdisho

Sheeko:Dalka

75 haween ah ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa loogu furay tababar ku saabsan dhanka ganacsiga.

Tababarkan waxaa qaban qaabiyay hay’adda NRC, waxaana tababarkaasi fulinayay hay’ad lagu magacaabo APRO oo ka shaqaysa arimaha horumarinta.

Haweenkan ayaa ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka qayb galka tababarkan.

Dhammaaan masuuliyiintii ka hadashay tababarkan waxa ay farta ku godeen in ahmiyad uu u leeyahay haweenkan ka qayb galka tababarada noocaan ah.

Faadumo Daa’uud oo ka mid ah haweenka ka faa’ideysanaya tababarkan ku saabsan ganacsiga haweenka ayaa sheegtay in ay rajeynayaan in uu wax badan ka taro tababarkan isla markaana uu is bedel ku keeno noloshooda.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa intooda badan caqabado kala kulma adeegsashada aaladaha casriga ee ay ku shaqeeeyaan, taas oo keentay in ay tababarkan qaataan.

Hoos ka dhageyso codka Faadumo Daa’uud: