U bood dhigaalka

Maxay Soomaaliya ka Baran Kartaa Doorashadii Kenya?

Sheeko:War

Bariga Africa waxaa inta badan ka dhaca doorashooyin madaxtanimo taasoo ay ku wada tartamaan madaxda Dowladdaha uu wakhtiga ka sii idlaanayo iyo sidoo kale siyaasiin cusub oo doonaya inay qabtaan hoggaanka Wadamadaas.

Dimuqraadiyadda Qaarada Africa gaar ahaana mida geeska Africa ayaa u muuqata inay tahay oo kaliyah mid un afka baarkiisa ku eg oo aysan fulinteeda iyo ku dhaqankeeda daacad ka ahayn madaxda Africa.Waxaana caado iyo hab dhaqan u noqotay Waddamo badan oo Africa ku yaala in marka la gaaro xiliga doorashada gaar ahaana xiliga la sugayo natiijada doorashada inay Wadamadaasi ka bilowdaan muran iyo buuq badan oo ka dhasha natiijada doorashada waxaana arrintaasi ay horseedaa khilaaf xoogan oo sababa rabshado isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur kala duwan.

Rabshadaha soo noq noqda ee la xiriira doorashooyinka Africa ayaa inta badan waxaa loo aaneeyaa inuu sabab u yahay inuu musuq maasuqa oo si ballaaran ugu baahsan Qaaramada Africa iyo Madaxda Africa oo u bareera musuqa.

Doorashadii Kenya ee 8 Agust -2017.

Dalka Kenya 8-dii August waxaa ka dhacday doorasho qof iyo cod ah taasoo ay ku wada tartameen labada Xisbi ee kala ah, xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga Isbaheysiga mucaaradka ee NASA oo uu isna hoggaamiyo Raila Amolo Odinga, sida ay sheegeen dadka u soo waaya joogay doorashooyinkii Kenya , hadda ugu dambeysay ayaa si isku mid ah loo wada tilmaamay inay ahayd midii ugu xamaasadda kululeyd ee dalka Kenya soo marta abid inta la xasuusto.

Marka laga hadlaayo dhanka dimuqraadiyadda Bariga Africa dalka Kenya ayaa la sheegaa inuu yahay waddaka ugu dimuqraadiyadda wanaagsan balse taas badalkeeda waxaa la sheegaa inay jiraan arrimo caqabad ku ah ku dimuqraadiyadda ee Waddanka.

Ololaha doorashada Kenya ayaa soo bilowday muddo badan ka hor xiliga doorashada, wuxuuna ahaa olole ay labada xisbi galiyeen dadaal iyo wakhti badan, masuulyiinta labada dhinac ayaa muwaadiniinta kula hadlayay fagaarayaasha guud ahaan magaalooyinka waaweyn iyo deegaanada dalka oo dhan si ay u kala kasbbadaan codadka dadka ka qeyb galaya doorashada, beesha Caalamka ayaa Dowladda Kenya ku boggaadisay qaabkii loo soo agaasimay doorashada ka dhacday dalka Kenya.

Kennya ayaa Jaar la ah Dalka Soomaaliya oo ay muddo ka badan 20 sano dagaallo sokeeye ka socdeen kuwaasoo bur buriyay guud ahaan adeegyadii kala duwanaa ee dalka. Waxaa doorashada Kenya ee dhowaan dhacday ay ku soo beegantay xili Somalia 2020-ka ay qorsheeneyso in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Maxay Soomaaliya ka Baran Kartaa Doorashadii Kenya?

Dalka Soomaaliya waxaa uu kamid yahay  wadamada Africa ee taariikh ahaan ku faana inuu yahay dalkii ugu horeeyay ee labo madaxweyne ay si dimuqraadi ah oo nabdoon xukunka ula kala wareegaan, hasayeeshee Soomaaliya oo taariikhdaas leh waxaa hadda nasiib darra ah inuu yahay Waddan aysan wali ka hirgelin doorasho qof iyo cod ah.

Maadaama Soomaaliya ay sanadka 2021 isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah arrimaha aan muhiimka u arko ee ay Soomaaliya ka faa’idi karto doorashadii dhowaan ka dhacday dalka Kenya waxaa kamid ah 4

  • Hanaanka loo soo agaasimay doorashada iyo in Muwaadiniinta dalka si dimuqraadiyad leh ay codkooda u dhiibtaan oo ay kusoo doortaan
  • Guddiga doorashada oo si hagar la’aaneed howsha doorashada uga qabtay guud ahaan dalka.
  • Muwaadidiinta oo loo sameeyo kaararka dhalashada (National ID) iyo karaka codeynta si ay dhamaan muwaadidiinta codkooda u dhiibtaan una soo doortaan qofka ay iyaga rabaan.
  • Dalka oo laga hirgeliyo xisbiyo siyaasadeed iyo Muwaadiniinta oo ikhtiyaar u yeesha in Xisbiga ay doonayaan ay taageeraan, midka ay rabaanna ay mucaaradaan.
  • Xorriyadda hadalka oo la ilaaliyo.
  • Mukharixiinta Madaxweynanimo oo dood loo qabto, su’aallo-na ay weydiiyaan Muwaadiniinta.

Gaba gabadii Waxaan rajeynayaa inaan mar un dhaayaheyga saari doono Soomaaliya oo subax kamid ah subaxyada Warbaahinta dunidu ay leedahay “ Soomaaliya oo saaka loo dareeray doorasho qof iyo cod ah”.

W/Q: Khadar Maxamuud Xareed

*Khadar Maxamuud Xareed waa Weriye ka tirsan Idaacada VOA Soomaali,  sidoo kalena waa Ardey barta culumta Xiriirka iyo Saxaafadda ee Jaamacada Kenya Methodist University ee Nairobi. Kala xiriir [email protected] ama Twitter-ka @khadarmh .

F.G: Qoraalkaan kama turjumayo xarunta aan u shaqeeyo, anniga ayuu ii gaar yahay.