U bood dhigaalka

Balad-Xaawo: Al-shabaab Oo Weeraray Fariisimmo Ciidamada Jubbaland

Sheeko:Dalka

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Darwiishta Jubbaland iyo Alshabaab ayaa ka dhacay waaberigii saaka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen saldhig ay ay ku sugnaayeen ciidamadaasi oo Ku yaalo afaafka Hore ee Magaalada laga soo galo, iyagoo ku bilaabay weerarka  qarax ,sida ay SONNA u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa dagaal kala hortagay,  weerarka soo qaaday, lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay xili dadku ay jiifeen islamarkaana la isku diyaarinayay dukashada salaaddda Subax,

Waxaa weli soconaya howlgalada dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo hadda si toos ah uga hadashey, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli ay maqlayaan rasaas

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada