U bood dhigaalka

Booliska Mareykanka Oo Qoryo Iyo Waxyaabaha Qarxa Ka Helay Guriga Ninkii Fuliyey Weerarka Steven Vegas

Sheeko:Dalka

Booliska Mareykanka ayaa toban iyo sideed qori iyo waxyaabaha la isku qarxiyo ka helay guriga uu deganaa ninkii fuliyey weerarkii Steven Vegas.

Ninkaani ayaa hubka doran dooriga u dhaca waxaa uu ku weeraray meel ay ka dhaceysay xaflad Muusik ah taasi oo ku taalo maagalada Steven Vegas.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 59 qof,halka ay ku dhaawacmeen 529 kale inta uu socday weerarka iyo rasaasta,xafladda dadka joogay ayaa waxaa lagu qiyaasay 22 kun oo qof.

Ninka weerarka geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Baduk,wuuna is qarxiyey markii ciidamada booliska ay u soo galeen qof uu ka deganaa Hoteel.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabkiisa inay midoobaan isaga oo arrintaan dhacday ku tilmaamay shar la soo daayey.

Trump oo sii hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dhammaan shacabka Mareykanka ay la qeybsanayaan murugada iyo oohinta dadka ku wexyeeloobay weerarkaan.

Trump iyo xaaskiisa ayaa hal daqiiqa oo aamusnaan ah u istaagay si ay ugu baroor diiqaan dadka waxyeeloobay.

Kooxaha wax baara iyo hadda wax cadeyn ah uma helin in ninkaan weerarka geystay uu xiriir la leeyahy kooxaha argigixisada.