U bood dhigaalka

80 Kiis Oo Argigixiso Lala Xiriirinayo Oo Maxkamadaha Kenya La Horgeeyay

Sheeko:Dalka

Ilaa 80 Kiis oo argagixiso lala xiriirinayo ayaa la horgeeyay maxkamadaha dalka Kenya, sidaa waxaa sheegay agaasimaha waaxda dambi barista Ndegwa Muhoro.

Ninkan oo ka hadlayey Isiolo axaddii waxaa uu sheegay in waaxdooda ay ka hortagtay in ilaa 6 dhalinyaro ah Garisssa, Daadab refugee camp iyo xadka ka tagay ay u gudbaan dhanka Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-shabaab.

“Waxaan dooneynaa in meel walbo oo argigixisada isticmaali karaan aan iska oodno” sidaa ayuu yiri.

Mr Muhoro waxaa kaloo uu sheegayaa in ATPU oo horay looga hirgeliyay dhilka xeebta hadda laga higelin doono dhanka bari ee dalkaasi.

County Commissioner-ka Isiolo  George Natembeya ayaa sheegay in  20 dhalinyaro ah ay ka gudbeen xadka kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay ku biireen xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News